Ciidanka Suuriya iyo Kuwa SDF ee Kurdiyiinta ayaa ogolaaday inay joojiyaan dagaalka dhimashada badan sababay ee Aleppo ka socda

 Ciidanka Suuriya iyo Kuwa SDF ee Kurdiyiinta ayaa ogolaaday inay joojiyaan dagaalka dhimashada badan sababay ee Aleppo ka socda.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dagaallo ka dhacay magaalada waqooyiga ee Aleppo intii lagu guda jiray booqashada uu ku yimid waziirka arimaha dibada ee Turkiga Hakan Fidan dalkaan Suuriya.

Ciidamada dowladda Suuriya iyo Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ee ay hogaaminayaan Kurdiyiinta ayaa ku heshiiyeen inay joojiyaan dagaalka magaalada Aleppo ee waqooyiga, kadib markii ay ka dheceen weerarro ay ugu yaraan laba qof oo rayid ah ku dhinteen.

Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya SANA ayaa soo xigatay wasaaradda difaaca ayadoo sheegtay in taliska guud ee ciidanka suriya ay soo saareen amar ah in la joojiyo bartilmaameedka dagaalyahanada SDF kadib markii dagaalladii dhimashada badan sababay ay ka dhaceen intii uu booqasho ku joogay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.


Fidan, oo dalkiisu u arko SDF, oo maamusha qaybo ka mid ah waqooyiga-bari Suuriya, inay tahay urur 'argagixiso', Fidan ayaa Isniintii sheegay in SDF aysan u muuqan inay damacsan tahay inay fuliso ballanqaadkeeda ahaa inay ku biirto ciidamada dowladda ka hor waqtiga la isku raacay ee ku beegan dhammaadka sanadka.

Kadib warbixintii SANA ee fiidkii Isniinta, SDF ayaa war-saxaafadeed dambe ku sheegtay in ay soo saartay amar ah in la joojiyo jawaabta weerarrada ay fuliyaan ciidamada dowladda Suuriya.



Previous Post Next Post