Labada markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Kairos iyo Virat ayaa madhnaa waxayna u shiraacdeen Novorossiysk, oo ah meel weyn oo laga soo saaro saliidda badda Madow ee Ruushka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda ammaanka ee Ukraine.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa la arkayay iyaga oo ku sii ordaya oo ku sii qul-qulaya maraakiibta, waxaana xigay qaraxyo xooggan oo sababay in maraakiibta dabku qabsado, muuqaallo uu sarkaalku la wadaagay Reuters ayaa muujinayay.
Reuters si madaxbanaan uma ay xaqiijin karto aqoonsiga maraakiibta ku jira muuqaalka ama goobta iyo taariikhda muuqaalka.
"Fiidiyowgu wuxuu muujinayaa in ka dib markii la garaacay, labada markab ba ay soo gaareen waxyeelo aad u daran, Tani waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa gaadiidka saliidda ee Ruushka," ayuu sarkaalku ku sheegay hadal qoraal ah.
Ukrain ayaa bilihii lasoo dhaafay weeraro ku qaadaysay xarumaha saliida lagu sifeeyo ee Ruushka , iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer, si ay u duqeeyaan meelo fogfog oo ka dambeeya jiida hore ee dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine. Weerarada lagu garaacay maraakiibta ayaa ka dhigan weerar ka duwan kii hore.
Ukraine ayaa marar badan ugu baaqday reer Galbeedka inay tallaabo dhab ah ka qaadaan waxa loogu yeero " Shadow Flet " ee Ruushka, kaasoo Kyiv ay sheegtay inay ka caawinayaan Moscow inay dhoofiso saliid aad u badan, ayna maalgeliso dagaalka ay ka waddo Ukraine inkastoo ay reer galbeedku cunaqabatayn ku hayaan.
Maraakiibta boqolaalka ah aan sharciyeysnayn ayaa soo shaac baxay ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, iyaga oo ka gudbay cunaqabataynta reer galbeedka ee looga dan leeyahay in lagu dhimo dakhliga saliida ee Ruushka.
Dhinaca kale, Shirkadda Caspian Pipeline Consortium (CPC), oo gacanta ku haysa in ka badan 1% saliidda caalamka, ayaa sheegtay Sabtidii inay joojisay hawlihii shaqo, ka dib markii marinka Badda Madow ee Ruushka uu si weyn u waxyeeleeyay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidammada badda ee Ukraine.
CPC waxay inta badan ka soo dhoofisaa Kazakhstan iyada oo sii marta Ruushka iyo marinka badda madow. Kazakhstan ayaa ku tilmaantay weerarka mid aan la aqbali karin.
Maraakiibtu waxay ku jiraan LIISKA cunaqabataynta
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah doomo dheereeya oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kuwaas oo u shiraacda bartilmaameedkooda ka hor inta aysan qarxin. Waxayna door muuqda ka ciyaareen weeraradii iska caabinta ahaa ee Ukraine ay ku qaaday Badda Madow, iyagoo gacan ka geystay inay dib u riixaan maraakiibta dagaalka ee waaweyn ee Ruushka.Markabkan oo lagu magacaabo Kairos oo dhirirkiisu ahaa 274 mitir ayaa waxaa la kulmay qarax, wuxuuna dab qabsaday Jimcihii, xilli uu kasoo shiraacday dalka Masar kuna sii jeeday Ruushka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka ee Turkiga. Shaqaalihii saarnaa ayaa lagu soo daad gureeyay doomo samatabbixin ah iyadoo dadaallada lagu daminayo dabka ay sii socdeen, sida la sheegay.
Virat ayaa la sheegay in lagu garaacay meel 35 nautical miles ka baxsan xeebta, oo dhanka bari ka xigta Badda Madow, wasaaraddu waxay tiri.
Markabkan oo lagu magacaabo Virat ayaa subaxnimadii Sabtida mar kale lagu weeraray doomo aan cidina wadin, iyadoo dhaawac yar uu soo gaaray dhiniciisa starboard-ka ee ka sarreeya marinka biyaha, wasaaradda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in markabka xaaladiisu wanaagsan tahay, shaqaalihii la socdayna ay caafimaad qabaan.
Kairos iyo Virat labaduba waxay ku jiraan liis maraakiib ah oo lagu soo rogay cunaqabatayn ka dhan ah Ruushka ka dib markii ay si buuxda u weerareen Ukraine 2022, marka loo eego xogta LSEG.
Mas’uulkan u hadlay Ukraine ma uusan sheegin xilliga uu dhacay duqeynta Ukraine.
